Ibrahim yuusuf ayaa shacabka ismaamulka ugu baaqay in ay meel ugasoo wada jeestaan kooxda rabta in ay dalka dumiso ee dagaalka ka wada waqooyiga dalka.
Mudane Ibrahim yuusuf ayaa intaasi ku daray kooxdani argagixisada ah ee rabta in ay dib ugusoo noqoto kursiga dalka rabana in ay dalka u horseedaan burbur iyo in ay shacabka dalka kala dhex dhigaan xumaan ku hogaamisa dagaalo sukeeye oo lagu hoobto.
Shacabka ayuu ugu baaqay in ay ka hor tagaan kooxdaasi oo ay bad baadiyaan qaranka sidii hada ka hor looga bartay in cid kaste oo kusoo duusha dalka meel loogasoo wada jeesto lagana guulaysto ayaa wuxu ku booriyay bulshada in ay sii xoojiyaan taageerada ciidanka qaranka oo ay garab istaagaan hil iyo hooba .
Mudane Ibrahim yuusuf ayaa carabka ku adkeeyay in ay bulshadu ilaalshadaan agagaarkooda ayna caawiyaan dadka kasoo bara kacay dagaalada ay kooxdani kusoo qaaday dalka.
X/W/IDD


