Qiimaha Shidaalka Tafaariiqda ayaa Qiimo korar lagu sameeyey bisha Soosocota laga bilaabo

    Wasaarada Ganacsiga iyo Iskaashiga Mandaqada JDFI ayaa sheegtay in qiimaha tafaariiqda noocyada Shidaalka Qiimo korar lagu sameeyey laga bilaabo Maalinta barri ah ee Sane 29,2014T.I. ilaa Hamle 30, 2014T.I.
    Wasaarada Ganacsiga iyo Iskaashiga Mandaqada JDFI ayaa Warmurtiyeed ay saxaafada gudaha dalka u dirtay in qiimaha Tafaariiqda noocyada Shidaalka ilaa dhamaadka Bisha dambe lagu iibin doono sidan soosocota÷
    Litirka Baasinka ah—47.83 birr
    Litirka Naaftada Cad ….49.02 Birr
    Gaaska Cad…49.02 birr
    Naaftada fudud ee Madow iyo tan Cadba…53.10 birr litirkiiba.
    Naaftada Culus ee Madow iyo tan Cadba…52.37 birr litirkiiba.
    Shidaalka Diyaaradaha…98.83 birr litirkiiba.