xuskani ayaa marki 15aad si heer qaran ah looga xusi doona 29ka bishani hidhar waxaana maanta si diiran u xusy shaqaalaha xafiisyada kala duwan ee ismaamuka.
furitaanki munaasibadani ayaa waxaa qudbad kasoo jeediyay madaxa xafiiska adeega bulshada mudane abubakar cadoosh oo sheegay in ay maalintani dhamaan shacabka dalkeenani ay u tahay maalin ay heleen in ay si xor ah ay dhaqamadooda iyo afafkoodama ay u isticmaalan.
geesta kale waxaa xuskani ka hadashay afhayeenka golaha wakiilada shacabka diri dhabe marwo faduun mustafa oo sheegtay xuska munaasibadan in ay kusoo beegantay ciidanka qaranka ee dalkeena oo ka guulaystay kooxdi TPLF ee gabaadka ka dhigtay deegaanka tigreega.
xuskani ayaa waxaa lagusoo ban dhigay dood cilmiyeed ka hadlaysa faa`idada laga dhaxlay maalintani.
waxaana si balaadhan qoraalki uga dooday shaqaalaha xafiisyada kala duwan oo goob joog u ahaa xuska munaasibadaasi.
X/W/I DD


