49 kun oo qoys ayaa laga duwaan galin doona ismaamulka iyado heli doona adeega caymiska caafimaadka.

    Caymiska caafimaadka ee bulshada ayaa dalkeena ka bilaabmay sannadki 2009 TI waxaana deegaanada qaar si habsami leh looga isticmaala adeegani.
    Ismaamulka ayaa waxaa hadda laga daah furay adeegani isticmaalkiis iyado ay dadka dhaqaalahoodu liito ay hadda ka faa`idaysan doonaan ayaa waxaa la sheegay in magaalada qoysaska ku nool ay bixin doonaan sannadi 520 birr xaga reer miyiguna bixin doonaan 250 birr.
    Furitaanki munaasibadani ayaa waxaa ka hadlay kuxigeenka duqa ismaamulka mudane khadiir jawhar oo sheegay in ay caymiska caafimaadku wadamada horumaray ka dhaliyeen guulo wanaagsan wadanada sideenan oo kalena ay u wanaagsantahay istimaalista fursadani caymiska caafimaadku.
    Qaar ka mid ah masuuliyinti iyo waliba martidi kasoo qayb galay munaasibadani ayaa sheegay in loo baahan yahay in caymiskani caafimaadka si dag dag ah loo gaadhsiiyo ilaa bulshada hoose si ay uga faa`idaystaan caymiska caafimaadka.
    Adeegani caymiska caafimaadka ayaa wuxu ismaamulka diri dhabe u qoondeeyay lacag ka badan 2 milyan oo birr looguna adeegi doono bulshada loo duwaan galiyay caymiska caafimaadka. Waxaana hawshani gargaar xoogan ka gaystay hayada bad baadada caruurta oo qoysas badan ka bixiyay lacagaha caymiska caafimaadka iyago hayadaasina warqad shahaado abaal gud ah la siiyay ugu danbayntii munaasibadani.
    X/W/I DD