Wakaalada adeega laydh tiriiga ee ismaamulka diri dhabe ayaa sheegtay in ay kor u qaadayso tirade isticmaala laydhtiriga.

    Wakaalada ayaa soo gaba gabaysay hawlaha lagu balaadhinaayo gaadhsiinta laydhtiriga bulshada ismaamulka iyado la bilaabay hawshasi.
    Mudane girma waldhe gabrel oo ah masuulka waaxda balaadhinta iyo farsamada ayaa sheegay in ay hawshani lagu balaadhinaayo adeega dadka isticmaalaya laydh tiriiga ay hadda soo gaba gabootay lana bilaabay in la gaadhsiiyo xaafadaha magaaladani diri dhabe ee hadda ka hor ay gaadhin xadhkaha laydh tiriigu.
    Masuulka ayaa intaasi ku daray in ay hadda 45 kun oo guri ay leeyihin koonteerka(saacada) laydh tiriiga oo si sharci ah u bixiya lacagaha ay isticmaalan. Intaasi wixi ka baxsana ay hadda ka hor kazoo gashanaayeen guryaha laydh tiriiga leh.
    Hadda wixi ka danbeeyay ayaa dadka raba in ay soo gashadaan laydh tiriiga ay si fudud kuso gashan karaan kaliya iyago laga rabo shuruudaha ay wakaaladu ku xidho oo kala ah kartada guriga iyo warqad ay kaሰoo qori doonaan qabalaha ay dagan yihin iyago adeega si toos ah uga helaayaxaruumaha kala ah saabiyaan, kasiirada, koonel iyo malkaa jabtu.
    Masulkani ayaa sheegay in hadda qaabka lacagaha laydh tiriiga loo bixiyo la casriyeeyay iyado baangiyada lagu bixiyo qaabab kala duwana loo bixin karo.
    X/W/I DD