fooramka haweenka maamulka ama masuuliyinta ka ah heerarka kala duwan ee xaruumaha dawlada ayaa uu usoo dhamaaday tababar labo maalmood socday.

    tababarkani ayaa waxaa haweenka lagu baraayay qodobo kala duwan oo kusaabsan sidi ay uga soo bixi lahaayeen masuuliyada ay xaruumaha kala duwan ee dawlada ay ka hayaan.
    furitaanki kulankani ayaa waxaa ka hadlay madaxa xafiiska haweenka iyo dhalaanka ee ismaamulka marwo karima cali oo sheegtay in loo baahan yahay in kor looqaado lana kobciyo awooda haweenka ee dhinacyada maamulida iyo waliba isku kalsoonida maadaamo ay suuro galaynin hiigsiga horumarka ee dalkeena haweenkoon ka qayb qaadanin.
    tababarkani oo ka koobnaa casharada ”postive mind attitude iyo waliba in laga doodo xeer hoosaadka fooramka haweenka masuuliyinta ah.
    tababarkan ayaa maanta soo dhamaaday iyado ay noosheegen haweenki ka qayb qaatay in ay ka heleen cilmi kor u qaadaya tayada hawlaha loo igmada iyo sidii ay ula jaan qaadi lahaayeen ugana faa`idaysan lahaayeen ka qayb galka horumarinta qaybaheeda kala duwan.
    X/W/I DD