Maareeyaha wakaalada dakhiga ee ismaamulka diri dhabe mudane cabdusalam maxamed ayaa sheegay in ay shanty billood ee lasoo dhaafay ay guulo hor leh laga soo hooyay uruurinta dakhiga tooska ah iyo ka laga helo adeegyada dawlada hoose Shanty bilood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa la uruuriyay lacag kor u dhaafaysa 581 milyan oo birr.
Wakaalada ayaa waxay qorshaha shanty billod ee lasoo dhafay uu ahaa in ay soo uruuriso 746,686,895.38 birr waxayna soo uruurisay lacag dhan 581,401,743.19 birr.
Maareeyaha ayaa sheegay in shantani bilood marka la garab dhigo horaanti shanty billod ee sannad misaaniyeedki 2012 TI in ay kor u dhaafayso 7.68 boqolkiba taasi oo lacag ahaan u dhiganta 41,450,318.19 birr.
Haddi aan eegno qorshaha u yaalay uu ahaa in dakhliga dawlada laga uruuriyo 547,001,908.04 waxaana lasoo uruuriyay 519,895,678.06 taasi oo ka dhigan boqolkiba 95.04. ka midho dhalinta qorshahani ayaa marka sannadki hore lagarab dhigo ka badan boqolkiba 11.17% lacag ahaana dhan 522,550,018.22 oo birr. Dakhliga guriyaynta ayaa la qorsheeyay in lasoo hooyo lacag dhan 199,686,895.38 birr waxaana lasoo uruuriyay 61,506,065.13 birr taasi oo ka dhigaysa boqolkiba 0.31% in qorshihi la hirgashay. Marka sannadi hore la garab dhigana waxay noqonaysaa 14.94 boqolkiba.
Wakaalada dakhloga ayaa waxay guushani ay ka gaadhay hirgalinta qorshaheeda ay shaqaalaheeda ku abaal marisay shahaadooyin.
Waa wakaalada dakhliga ee ismaamulka diri dhabe.


