#Shir jaraa’id oo ku aadan go’aanadi kasoo baxay shirki ugu horeeyay ee ay yeeshan golaha kaabineedka ee ismaamulka oo uu bixiyay madaxa xafiiska war-faafinta iyo arrimaha dawlada ee IDD mudane isqiyaas taafase ayuu kaga war bixiyay go’aanka shirkaasi.

    Golaha kaabineedka ayaa maalinti shalay go’aamiyay dhul dhan 12 hektaar oo looga dhisaayo gawaadhida xamuulka ah ee wadooyinka magaaladda cidhiidhiga kuhaya goob lagu tala galay oo ay joogsadaan.
    Mashruucani dhismihisa ayaa waxaa misaaniyadisa laga helay wasaaradda gaadiidka iyo jidadka ee heer faderaal.
    Go’aanka kale ee uu golaha kaabineedku qaatay ayaa ah in mudo bil ah la joojiyo adeega uu bixiyo xafiiska maaraynta iyo horumarinta dhulka ee ismaamulka iyado badalkeed la qaban doono tiro koobidda dhulka banaan ee ismaamulka iyo waliba shaqaalaha xafiiskasi oo lagu samayin doono qiimayin iyo dib u dhis ku salaysan anshaxa shaqaalaha xafiiskasi.
    Qodobka kale ee uu golaha kaabineedku go’aanka ka gaadhay ayaa ah in la hakiyo mashaariicda kaladuwan ee uu dhismohoodu ka socdo ismaamulka iyado geesta kale la dardar galin doono dhismaha civic center ka, mashruuca kasocda kuliyada TVT ka iyo waliba soogaba gabayinta hawlaha lagu balaadhinaayo garoonki hore ee kubada cagta iyo waliba xaruunta ciyaaraha isku dhafka ah ee uu dhismaheedu ka socso agagaarka garoonka diyaaradaha.
    Golaha ayaa bulshada ismaamulka ugu danbayniti ugu baaqay in ay u samraan hawlaha adeeg bixinta ee laga hakiyay xafiiska maaraynta iyo horumarinta dhulka iyo waliba dhamaystirka mashaaricaha hadda la dar dargaliyay soo dhamaystirkooda.
    X/W/IDD