Duqa ayaa sook or meeray qaybaha uu ka kooban yahay xabsiga dhaqan celinta oo dadka kujira lagu siiyo xirfada farsamooyinka gaagaaban.
Xaruunta ayaa leh qolal dadka danbiyada kala duwan laguso helay laguna xakumay sanado oo lasiiyo tababaro dhinacyada farsamada gacanta ah oo ay markay dhamaystaan wakhtigi lagu xakumay ay nafahooda iyo qoysaskoodaba ugu shaqayn karaan.
Xaruuntani ayaa leh ama bixisa tababarada farsamooyinka gacanta ee kala ah samayinta alaabada guryaha sida sariiraha, kabadhada iyo wixi la hal maala sidoo kale waxaa ka mid ah tabaharada kale ee ay siiyaan dadka dhaqan celinta loo hayo farsamada timo jarida iyo qurxinta, dhar tolida, makaaniga iyo waliba dhismayaasha kala duwan sida guryaha iyo wixi la hal maala.
ugu danbayinti ayuu mudane khadiir jawhar u balan qaaday in codsiyada xaruunta oo kala ah in loo kordhiyo qalabka tababarka iyo waliba in la siiyo aqoonsi ay xaruuntu ku bixiso tababaradasii ayaa ayaa ugu balan qaaday in ay kuliyada farsamada gacanta ee ismaamulku ugu deeqi doonto mashiinka lagu sameeyo jaajuurka oo marki qudha soo saari doono sided xabo oo jaajuur ah geestakalena wuxu sheegay in uu ismaamulku la garab joogi doono taageero kaste uu uu ismaamulku awoodo.
Mudane robe loo ah madaxa kuliyada farsamada gacanta iyo shaqo abuurka ayaa geestiisa sheegay in ay xaruuntani siin doonaan aqoonsi ah in ay bixin karaan tababarada gaagaaban ee farsamada gacanta si marka dadka dhaqan celinta xaruuntani ugu jira markay dhamaystaan wakhtigooda ay u noqon lahaayeen dad khibrad leh.
X/W/IDD


