Waxaa si diiran looga xusiyaa maalinta qaranka ee astaanta calanka ismaamulkani diri dhabe

    Masuuliyinta ismaamulka oo uu horkacaayo duqa ismaamula ayaa kasoo qayb galay xuskani oo lagu qabtay xerada xafiiska duqa ismaamulka.
    duqa ismaamulka oo qudbad ka jeediyay munaasubadani ayaa sheegay in wakhtigani la joogo uu dalkeenu ku jiro cadaadis uga imanaaya dawladaha shisheeye oo ay ku rabaan in ay ku wiiqaan qarannimada dalkeena iyago adeegsanaaya kooxo ku sifoobay qaran dumiska.
    xuskani maalinta astaanta calanka dalka ayaa marki 14aad si heer qaran ah looga xusayaa dhamaan deegaanada dalkoo dhan iyado ismaamulkani diri dhabena si heer sare ah looga xusaayo xafiisyada, dugsiyada dawlada iyo kuwa gaarka looleeyahay iyo waliba xaruumaha ciidanka heerarkisa kala duwan.
    X/W/IDD