Maareeyaha wakaalada dakhliga ismaamulkani diri dhabe mudane cabdusalaam maxamed ayaa manta soo ban dhigay waxqabadka bishi maskaram isagoona canshuur bixiyayaasha darajada B fariin u diray.
Mudane cabdusalam ayaa sheegay in sanad misaaniyeedkani 2014 bishisan maskaram lasoo uruuriyay dakhli dhan 158,962,481.90 oo ah dakhliga dawlada hoose iyo waliba canshuuraha kale ee dawlada iyado qorshuhu ahaa in lasoo uruuriyo 144,839,673.22 korna loo dhaafay boqolkiba 9.75 oo ka dhigan 109.75.
Haddaba marka loo eego wakhtigan wakhtigiisi sannadki hore ee 2013 ayaa waxaa si wanaagsan kor logu dhaafay natiijadi hore.
Mudane cabdusalaam oo hadalkisa sii wata ayaa sheegay in guushan lagu gaadhay mudo kooban gaar ahaan inti u dhaxaysay 19 ki bisha maskaram ilaa 24 ki isla bishaasi oo ahayd wakhtigi lasoo dhisay dawlada federaalka wuxuna u mahad celiyay canshuur bixiyayaasha aaminka ah iyo waliba masuuliyinta heerarka kala duwan ee dawlada.
Ugu danbaynti guushani la helay bishani maskaram ayaa ah guul lagu gaadhay shaqaalaha iyo masuuliyinta wakaalada oo hawshoodi si fir fircooni ku dheehan tahay uga soo baxay wuxuna intaasi ku daray in ay hadda ay ka jawaabi karaan baahida horumarka ee ay bulshadu leedahay.
Haddaba hadii aad tahay canshuur bixiye waxaa haboon in aad canshuurta wakhtigeeda aad bixiso ‘’Canshuurta oo wakhtigeeda la bixiyo waa ilbaxnimo’’ inta aad wakhtiyada danbe u galaysid safaf dhaadheer waxaa haboon in aad wakhtigeeda iska dhiibto.
Waa wakaalada dakhliga ee ismaamulka diri dhabe.


