#WAJIGA IYO MAGAALADABA QOFKI LEH AYAA NADAAFADEEYA’’ Qalabka nadaafada oo lacag ka badan 6 milyan oo birr lagu soo iibiyay ayaa 16 iskaashato oo ka shaqeeya qashinka ka soo baxa guryaha gudoonsiiyay.

    Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka qabsoontay garoonka kubada kolayga ee koomishinka ciyaaraha isboortiga ee ismaamulkani diri dhabe ayaa waxaa goob jog u ahaa masuuliyin uu hor kacaayay madaxa xafiiska bilicda iyo nadaafada ee ismaamulka diri dhabe mudane daahir rooble.
    Munaasibadani oo ay sidoo kale kasoo qayb galeen shaqaalaha qashinka ka gura guryaha oo tiradodu dhantahay 814 qof waxaana furu taanki munaasibada ka hadlay mudane daahir rooble oo sheegay in uu xafiisku culaysa sanadkani saaray sidi looga haqab tiri lahaa uruurada hawshani ku hawlan qalabka ay ku shaqeeyaan oo iskugu jira dharka, gawaadhida la riixo iyo waliba sidi kor loogu qaadi lahaa tirade uruurada ka hawl gala magaalada ee xaafadaha ka uruuriya qashinka.
    Mudane daahir ayaa intaasi ku daray in qalabkani ay ku baxday lagac ka badan 6 milyan oo birr qalabka lagu soo iibiyayna loo qaybiyay 16 ka uruur eek a kala jira 9 xaafadood ee magaalada.
    Xafiiska bilicda iyo nadaafada ee ismaamulka ayaa halku dhag ka dhigtay ‘’ wajiga iyo magaaladaba ninki leh ayaa nadiifiya’’ ayaa inihi danbe waxaa wadooyinka waawayin ee magaalada ka socda olole nadaafadeed oo loo kala hadhin.
    Mudane daahir ayaa sheegay in la dhamaystiray cilmi baadhis lagu sameeyay awooda qashin uruurin ee iskaashatooyinkani oo ay samaysay jaamacada diri dhabe lagu ogaaday in magaalada ay ku filayin iskaashatooyinka hada ku hawlan shaqadani qashin uruurinta loona baahan yahay in tiradooda iyo waliba tayadoodaba kor loo qaado lana gaadhsiiyo ilaa 30 iskaashato.
    Wuxuuna u xaqiijiyay iskaashatooyinkani xubnahooda in goaanka mishaaro kordhintoodu hor yaalo kaabineedka ismaamulka oo ay mar dhaw goaan ka gaadhi doonaan arintaasi.
    X/W/IDD