Haddaba suuqani maalmaha sabtida iyo axada ee wadooyinka magaalada dhex deeda ayaa looga gol leeyahay sidi hoos loogu dhigi lahaa sixirka suuqa.
Maalinta bari ayaa wadada guriga madax tooyada ee diri dhabe ilaa huteelka lagu magacaabo national hotel inta u dhaxaysa lagu kala iibsan doonaa badeecado kala duwan oo iskugu jira kuwo la cuno iyo kuwa kale la isticmaalo.
Xafiiska ganacsiga,warshadaynta iyo maalgashiga ayaa sheegay in ay bushadu suuqaasi ka heli doonto badeecadaha sida sonkorta, saliida, xawaashka iyo khudaarta iyo waliba waxsoosaarka warshadaha oo ay qiio jaban ku heli doonaan bulshada ismaamulku.
Suuqani ayaa todobaad kasteba labo maalmood wadooyinka magaalada lagusoo ban dhigi doona badeecadaha kala duwan ee warshadaha ka jira ismaamulka diri dhabe waxsoosaarkooda iyado looga gol leeyahay in bulshada iyo warshadaha wax soosaarka ku hawlan.
Maalinta bari waa in ay bulshadu qiimo jaban kusoo iibsadaan badeecadaha kala duwan ee waxsoosaarka warshadaha.
Goobtu waa gasiirada guriga madax tooyada wadada hor marta.
X/W/IDD


