#warbixin Koomishinka booliska ismaamulka diridhaba ayaa sheegay in ay gacanta kudhigeen 208 xubnood oo Argagixisada TPLF looga shakiyey.

    booliska ismaamulka diridhaba ayaa sheegay in ay gacanta kudhigeen 208 xubnood oo lagu qabtay hub, lacagaha wadamada qalaad iyo dukumiintiyo islamarkaana looga shakiyey inay xidhiidh laleeyihiin kooxda Argagixisada TPLF.
    Madaxa xidhiidhka dadwaynaha iyo maamulka hawlaha isbadalada ee koomishinka booliska ismaamulka diridhaba Komaander Gamachu kaaja ayaa sheegay in xubnahan argagixisada looga shakiyey lagu qabtay 5 bastooladood, walxaha qarxa5, labtopyo, mobilo kaladuwan, aaladaha fogaan arag ee ciidamada, 151,000 kun oo lacagta itoobiya ah iyo lacagaha sarifka qalaad, dirayska ciidamada, darajooyinka ciidamada, kabaha tababarada ciidamada, aqoonsiyada deegaanka tigraay iyo dukumiintiyo kaladuwan.
    Taliyaha ayaa sheegay in iyadoo shacabka ismaamulka lakaashanayo lasii wadi doono baadhista iyo ilaalinta Amniga ismaamulka diridhaba.