Shir jiraa`id oo uu qabtay madaxa xafiiska war-faafinta iyo arrimaha dawlada ee ismaamulkani diri dhabe ayuu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo la xidhiidha ismaamulkani diri dhabe iyo waliba guud ahaan dalka.

    Madaxa xafiiska war-faafinta iyo arrimaha dawlada ee ismaamulka mudane isqiyaas taafase ayaa sheegay in kaddib dawladi cusbayid ee dalka iyo ismaamulkaba laga dhisay kaddib la qarshaystay in wax kaga qabto baahiyaha shacabka eek u qotaman horumarka iyo maamulka suuban hirgalintiisa.
    Mudane isqiyaas ayaa sheegay in tan iyo marki dawlada cusub ee ismaamulka lasoo dhisay culayska la saaray hawlo badan oo ay ugu horayso nadaafada magaalada oo si shacabka iyo masuuliyinta heerarka kala duwan ee magaaladu uga hawl galeen iyadoona todobaadki dhawayd uu ahaa olalaha nadaafadaynta wadooyinka magaalada kii 10aad ee laga fuliyo magaalada.
    Geesta kale wuxu ka hadlay in magaaladani diri dhabe in lagu qaban doono xuska maalinta qawmiyadaha iyo shucuubta dalka marki 16aad ayna munaasibada xuskaasi ay bilaabmi doonto 27 bishani hidhaar ayna socon doonto ilaa 29 ka isla bishani.
    Wuxuna intaasi raaciyay in ay iman doonaan magaaladani diri dhabe marti ka badan 500 oo qof sidoo kale ismaamulkana waxaa munaasibadani ka qayb gali doona dad tiradoodu gaadhayso 100 qof waxaana ay munaasibadu ka qabsoomi doontaa beerta lagu laydhsado eek u taala garoonka diyaaradaha agteeda oo casho sharaf loogu qaban doono martida iyo waliba maalinta 29 bisha hidhaar oo xuskani ku eegyahay ayaa waxaa shir balaadhan lagu qaban doona hoolka shirarka ee dugsiga ugaas xasan xirsi ama loo yaqaano NEW SECONDRY AND PREPARATORY SCHOOL.
    Ugu danbayntii ayuu mudane isqiyaas uu ka hadlay doorka ay bulshada ismaamulku ay ka qaateen taageerada ciidanka ku jira hawlgalada iyo waliba gargaarka loo fidinaayo dadka kusoo barakacay dagaalka xagaasi ka socda.
    Manta ayaa waxaa diri dhabe laga rari doonaa gawaadhi ciidanka gaadhsiin doona sahay loogu diyaariyay ismaamulka sidoo kale waxaa xigi doona dad isku diyaariyay in ay qayb ka noqdaan halganka ka socda dalka oo ahaa had aka hor ciidan siyaabo kala duwan uga fadhiistay shaqadii ciidan nimo oo maalmaha soo socda la gayin doono jiida hore ee dagaalka.
    Ugu danbaynti ayuu mudane isqiyaas taafase madaxa xafiiska war-faafinta iyo arimaha dawladu ugu baaqay bulshada ismaamulka in ay u diyaar garoobaan martida ka kala imanaysa deegaanada dalka soo dhawayntooda iyo waliba sii xoojinta nabad galyada agagaarkooda iyago la shaqaynaya laamaha amaanka iyo gudiyada loo xilsaaray hawshaasi.
    X/W/IDD