#DGC hidhaar 27/2017
Waxaana maalinkan laga xusay ismaamulka dirdhabe iyadoona loqataay Wayigalin kusabsan ladagalaanka musuq masuqa dhamaan masuliyinta iyo shaqalaha xafisyada kala duwan ka hawl gala.
Waxaa lagu dhawaaqay in la qabanayo hawlo badan oo lagu wacyigalinayo buldhada dhibaatada uu dalka iyo jiilka u gaysanayo, loogana qayb qaadanayo ka hortagga anshax xumadda musuq masuqa.
Waxaana Kulan wacyigalin ah maanta loo qabtay mas’uuliyiinta iyo khabirada qaybaha, dagmooyinka iyo hay’adaha kala duwan ee is maamulka diridhabe oo halku dhigiisu ahaa “Waa in aan La-dagaalana Musuq-maasuqa Sii dhalinyarada Mustaqbalkoda bari uu dhismo”.
Waxaana ugu horaynti madashan wacyi galinta aha ka hadlayKomishineerka komishinka ladagalaanka Musuq masuqa ismamulka diridhabe Mudane Fenuus Cabdu jabaar, oo sheegay in musuq maasuqu ahayn kaliya in la xado hantida kooban ee dalka iyo dadka, balse waxa kale oo uu ka hor istaagaa in muwaadiniintu helaan oo ay si khaldan u adeegsadaan xuquuqdooda, waxa kale oo ay keentaa in dad koban un ay helaan wax aanay u qalmin, waa in ay muwaadiniintu noqdaan kuwo masuuli ka sarantahay uu firfircoonasha xuquq dooda.
Waxaa kalo uu inta ku daraay mudane fenuus in komishiinka ladagalaanka musuq masuqa ismaamulka diridhabe oo la dhisay muddo kooban, balse uu qabtay howlo badan oo wax ku ool ah, ay suurta gal tahay in la fashiliyo anshax xumada musuq masuqa melna loga so jeesto.
Madashan wacyigalinta ah ayaa waxaa lagu soo bandhigay isla markaana lagu falanqeeyay qodobbo taabanaya hababka qalafsan ee musuq-maasuqa, iyo waxyeelada u ugaysto bulshada qaybeheda kala duwan.
Gabagabadii madasha
ayaa waxa la isla qaday in si mug leh looga wada qayb qaato dagaalka lagu lagu jiro cidhib tirka masuq masuqa.
Cabdulahi Cabdo
Sawir qade:Aganyaw Shawa arga.


