Dadka ku nool Ismaamulka Dir Dhabe ayaa sheegay inay si weyn u sugayaan doorashooyinka toddobaad ee qaran iyo kuwa heer gobol, kuwaas oo berri ka qabsoomi doona guud ahaan dalka.
Caawa fiidkii, shacabka ku nool dhammaan degmooyinka maamulka ayaa muujiyey inay si buuxda ugu diyaar garoobeen inay codkooda ku dhiibtaan jawi nabad, dimuqraadiyad iyo xorriyad ku dhisan. Waxay sheegeen inay si weyn u sugayaan furitaanka goobaha codbixinta berri subax 12:00, si ay u gutaan waajibaadkooda muwaadinnimo ugana qayb qaataan go’aaminta mustaqbalka dalkooda. Hooyooyin, aabbayaal, dhallinyaro…


