#deg deg Shir jiraa`id oo uu warbaahinta la yeeshay madaxa xafiiska warfaafinta iyo arrimaha dawlada ee ismaamulka diri dhabe mudane isqiyaas taafase ayuu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ku saabsan marxalada uu dalku maraayo iyo talaabooyin cusub oo uu ismaamulku qaadi doono laga bilaabo maanta.

    Madaxa xafiiska war-faafinta iyo arrimaha dawlada ee ismaamulka mudane isqiyaas taafase ayaa sheegay in golaha kaabineedka iyo laamaha amaanka eek a hawlgala ismaamulku ay yeesheen kulan ay kaga wada xaajoonayaan xaalada deg degga ee dalka lagu soo rogay iyo talaabooyinka ku haboon in laga hor tago kooxaha argagixisada ah ee tplf iyo jabhada oromada ee lagu magacaabo shane.
    Kulanka ay yeesheen ayaa waxaa lagu cilaamiyay guddiyo kala duwan oo ka shaqayn doona sii dar dar galinta hawlaha kasocda dalka ee lagu badbaadinaayo jiritaanka qaranka.
    6 guddi hoosad oo ka shaqayn doona ka hortaga hagar daamooyinka kooxahaasi ayaa lagu dhawaaqay waxayna kala yihiin guddiga gargaar uruurinta, guddiga uruurinta iyo gaynta ciddi rabta in ay ka qayb gasho dagaalada lagula jiro kooxahaasi, guddiga daba galka iyo fulinta bayaanka xaalada deg degga, guddiga wacyi galinta iyo abaabulka bulshada iyo waliba guddiga u qaabilsan arrimaha siyaasada iyo qaab u socodka xaruumaha dawlada.
    Guddiyadani ayaa dhamaantood hawlahooda si rasmi ah u bilaabay waxaana uu bulshada ugu baaqay in ay guddiyadaasi ay sitoos ah ula shaqeeyaan.
    Sidoo lake mudane isqiyaas taafase ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay sii xoojinta halganka lagula jiro kooxaha qaran dumiska ah ee tplf iyo Olf shane oo isku soo bahaystay in ay burburiyaan jiritaanka qaranka itoobiya,
    Bulshada ismaamulka ayaa looga fadhiyaa in ay kazoo jawaabaan baaqa uu dalku u diraayo ee ah in ay si toos ah dagaalka lagu la joro kooxahaasi ay ka qayb qaataan iyo waliba in ay gargaaraan dadka kasoo barakacay goobaha ay dagaaladu ka socdaan ee hadda ku sugan goobo kala duwan.
    Ugu danbayntii mudane isqiyaas ayaa sheegay in ay bulshadu ilaaliyaan agagaarkooda ayna taageeraan ciidanka difaaca qaranka ee dadaalka ugu jira badbaadada qaranka.
    X/W/IDD