Qorshaha mashaariicaha sanad misaaniyeedka 2014 T.I ee ismaamulkani diri dhabe ayay maayarka ismaamulka iyo madax xafiiseedyadu kala saxeexdeen.

    Ismaamulka ayaa muduyinki ugu danbeeyay waxaa ka socday mashaariico kala duwan oo aan wakhtigi loogu tala galay lasoo gaba gabayin waxaana sanad miisaaniyeedkani rubiciisi koobaad aan soo dhaafnay la qorsheeyay in la dar dargaliyo mashaaricaha la bilaabay ee kasocda ismaamulka.
    Qorshahani ayaa waxaa si wada jir ah usoo wada diyaariyay xafiiska maaliyada ismaamulka iyo waliba xafiiskaste oo mashruuc ka wada ismaamullka waxaana hawlahani dar dargalintooda si gaar ah ula socon doona maayarka ismaamulka mudane khadiir jawhar iyo waliba madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo ahna uqaabilsanaha dawlada ee barlamaanka diri dhabe mudane ibraahim yuusuf.
    Qorshayaashani ayaa waxaa qayb ka ah dhismaha wadada laamiga ee dhararkeedu dhan yahay 4.2 kilo mitir ee isku xidha xaafada laanta hawada(keelihi hore) ilaa wadada jabuuti tagta ee laamida ah oo sannad miisaaniyeedkani lasoo dhamayin doono.
    Ugu danbaynti ayuu maayarka ismaamulka mudane khadiir jawhar uu sheegay in qorshahan marku dhamaado sannad miisaaniyeedku qaabkay wax u qabteen xafiisyada kala duwan ee ismaamuka lagalla xisaabtimi doono masuuliyinta xafiisyadaasi.