In ka badan 300 oo arday oo danyar ah ayaa la siiyay deeq agab waxbarasho.
Xafiiska Haweenka, Caruurta iyo Arimaha Bulshada ee isMaamulka Diridhaba, oo kaashanaya Xarunta Haweenka iyo Dhalinyarada ee Itoobiya ayaa agab waxbarasho gaadhsiiyay ardayda danyarta ah munaasibada sanadka cusub awgeed. Madaxa Xafiiska Haweenka, Caruurta iyo Arrimaha Bulshada ee Maamulka Diridhaba Marwo Xukmiya Maxamad oo ka qayb gashay barnaamijkan ayaa sharaxday in taageero loo fidiyo dadka danyarta ah…


