Madasha Dhalinyarada Geeska Afrika ee ka socota Dire Dhabe ayaa si heer sare ah loo qabtay, iyadoo isu keentay dhalinyaro iyo masuuliyiin ka kala yimid dalalka gobolka.
Madashan oo uu soo qabanqaabiyay ismaamulka Dire Dhabe ayaa shalay ku bilaabatay halku-dhegga “Dhiirigelinta Hoggaanka Dhalinyarada si loo dhiso Nabad Waarta iyo Xal u helidda Isbeddelka Cimilada waxayna maanta sii waday doodaha ku saabsan hoggaanka dhalinyarada iyo saameynta isbeddelka cimilada. Mudane Tajuddin Cabdullaahi, La-taliyaha Isbeddelka Cimilada ee Duqa Magaalada Dire Dhabe, ayaa sheegay in isbeddelka…


