Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Miisaaniyadda, Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Warshadaha ee Golaha Ismaamulka Dire Dhabe. ayaa kulan ku yeeshay qiimeynta heerka hirgelinta qorshayaasha Xafiiska Horumarinta Dhaqaalaha.
Kulankaas, guddigu wuxuu daahfuray liis hubin (checklist) lagu qiimeynayo waxqabadka xafiiska, gaar ahaan dhinacyada la xiriira mashaariicda horumarinta, ururinta dakhliga, iyo maareynta maaliyadda. Madaxa Xafiiska Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Muluka Maxamed, iyo xubnaha Maareynta Dakhliga ayaa guddiga la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan shaqooyinka la qabtay, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha socda. Guddoomiyaha guddiga ayaa carrabka…


