Dadka deggan Dir Dhabe ayaa muujiyay diyaar-garow buuxa oo ay ugu jiraan ka qaybgalka doorashada guud ee 7aad, iyagoo si firfircoon u diiwaangelinaya codbixiyeyaashooda isla markaana qaadanaya kaararka codbixinta.
Waxay sheegeen in doorashadu tahay mid go’aamineysa masiirka mustaqbalka dalka, isla markaana ay tahay fursad muhiim ah oo muwaadiniintu ku gudan karaan xuquuqdooda dastuuriga ah iyo tan dimuqraadiga ah. Sidaas darteed, waxay ku booriyeen muwaadin kasta oo gaaray da’da codbixinta inuu si sax ah uga faa’iideysto xaqiisa codbixineed. Sidoo kale, waxay ugu baaqeen dhammaan muwaadiniinta…


