Komishinka Wadatashiga qaran ee Itoobiya ayaa soo qabanqaabiyay madasha wadatashiga haweenka, dhalinyarada iyo dadka baahiyaha gaarka qaba ee ku dhaqan ismaamulka diridhabe iyo dawlad deeganka hararida.
Madashan oo ka qabsoonta magaalada harar oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta komishinka wadatashiga qaranka, haween, dhalinyaro, dadka baahiyaha gaarka qaba , ururada bulshada rayidka, Madashan oo socon doonta mudo labo maalmood ah ayaa inta ay socoto lagaga hadli doonaa wacyigalin iyo in ka qaybgalayaasha warbixin laga siiyo xaaladihii kala duwanaa ee uu soo maray komishinku…


