#WAJIGA IYO MAGAALADABA QOFKI LEH AYAA NADAAFADEEYA’’ Qalabka nadaafada oo lacag ka badan 6 milyan oo birr lagu soo iibiyay ayaa 16 iskaashato oo ka shaqeeya qashinka ka soo baxa guryaha gudoonsiiyay.
Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka qabsoontay garoonka kubada kolayga ee koomishinka ciyaaraha isboortiga ee ismaamulkani diri dhabe ayaa waxaa goob jog u ahaa masuuliyin uu hor kacaayay madaxa xafiiska bilicda iyo nadaafada ee ismaamulka diri dhabe mudane daahir rooble. Munaasibadani oo ay sidoo kale kasoo qayb galeen shaqaalaha qashinka ka…


