Maamulka Degmada 03 ayaa dib u eegis ku sameeyay warbixinta fulinta qorshaha sanad miisaaniyada 2017 iyo qorshaha sanad miisaaniyada 2018 T.I
Waxaa la sheegay in waxqabadyo horumarineed iyo maamul wanaag la fuliyay sanad miisaaniyadeedka 2017 ee dhamaaday si loo xaqiijiyo ka faa’iidaysiga bulshada degmada. Dhanka shaqo abuurka, dhimista saboolnimada, kordhinta wax soo saarka beeraha ee magaalada sabtida iyo Axada, sugida nabadgalyada iyo deegaanka, ka jawaabista su’aalaha horumarka iyo maamulka suuban ee shacabka, ayaa waxaa halkaasi ka…


