Waxaa si rasmi ah loo bilaabay shirka wada tashiga qaran ee itoobiya iyado furitaanki madashani uu qudbad kazoo jeediyay danjire Dr maxamuud dirir geedan oo ha koomishineerka koomishinka wada tashiga qaranka wuxuna sheegay in madashani ay kazoo qayb galen wakiilada bulshada, dadka bulshada dhexdeda saamaynta ku leh, aqooyahanka, axsaabta siyaasada iyo waliba qaybaha kala duwn ee rukunada dawladda.
Danjire DR maxamuud dirir ayaa dhamaan wakiilada bulshada qaybaheeda kala duwan ee madashani kasoo qayb galay kula dardaarmay in ay fikiradahooda ku saleyaan kuwo dalku dhibtani uu ku jiro ka saari kara iyago baahidooda gaarka ka horaysiinaya kuwa dalka. Ugu horayn waxaa la soo jeediyay qoraal ka turjumaya sida uu u qabsoomi doono kulankani wada…


